723 Views

Wakiillada Beesha Caalamka oo uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho.

Wakiillada Beesha Caalamka oo  uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan xalay ay yeesheen madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo Puntland iyo jubbaland iyo beesha caalamka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan hor dhac ah xalay fiidkii la yeeshay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxayna Wararku sheegayaan in la amray inaysan ka bixi Karin Magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa  saxaafada  u xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, HirSharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda..

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.

Wakiillada beesha caalamka ayaa la filayaa inay sidoo kale maanta la kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalku ay ku eedeysay inay fashiliyeen shirkan, in kastoo ay iska difaaceen eedahaas.

Sidoo kale Shirkii Teendhada Afisyooni uga socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa shalay fashilmay, waxaana xukuumaddu shaacisay in Jubaland iyo Puntland ay shirka fashiliyeen, islamarkaana ay diideen wax kasta oo xal ah.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post