783 Views

Ciidamo ku dagaalamey degmo ka tirsan Baay oo la kala qaadey

Ciidamo ku dagaalamey degmo ka tirsan Baay oo la kala qaadey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –MaMaalmihii la soo dhaafay waxaa wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro waxaa ay ku sugnaayeen degmada diinsoor ee Gobolka Baay,halkaas oo uu ka dhacay dagaal beeleed,waxaana ay ku guuleysteen inay kala qaadaan Ciidamadii dagaalamey.

 

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu dhex-marey Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed,hayeeshee u abaabulan qaab beeleed,kuwaas oo iska diley dad badan.

 

 

 

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa wacad ku marey inay gacanta kusoo dhigi doonaan Ciidamadii dhibaatada geystay,waxaana uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey dagaaladii dhex-marey labada Ciidan ee u abaabulnaa hab beeleedka.

 

Waxaa uu sheegay in ay kala qaadeen Ciidamadii dagaalamey ee ishor-fadhiyey,sidoo kalena ay dib ugu celiyeen Saldhigyadoodii degmada diinsoor ee Gobolka Baay,halkaas oo markii hore ka soo tageen.

 

Guddoomiyaha degmada diinsoor Cabdi Salaan xaaji Siidoow ayaa ugu baaqey labada beelood ee dagaalantey inay nabad ku wada noolaadaan,isla markaana nabadgelyada ay tahay mid muhiim u ah Bulshada degmada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment