1521 Views

Sawiro:-Madaxweynaha Koonfur galbeed Oo Kulan Qado Sharaf ah Usameeyey Xildhibaano Iyo Wasiiro Katirsan DF

Sawiro:-Madaxweynaha Koonfur galbeed Oo Kulan Qado Sharaf ah Usameeyey Xildhibaano Iyo Wasiiro Katirsan DF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Muqdisho: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta kulan qado sharaf ah ugu sameeyey magaalada Muqdhiso Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee Koonfur Galbeed kasoo jeeda.

Ugu horayn Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa qadada kadib la dar-daarmay Wasiirada, Xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa Golaha shacabka, waxaana uu ku booriyey mas’uuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxada leh ee shacabkoodu ka sugayaan.

Ugu dambayn waxa uu madaxweynuhu kula dar-daarmay xubnaha aqalka sare iyo kuwa golaha shacabka ee Koonfur Galbeed u metelaya baarlamaanka Soomaaliya in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

W/Q:- Ilyaas Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment