738 Views

Guddiga soo diyaarinta saameynta ka dhalatay COVID-19 oo kulan yeeshay

Guddiga soo diyaarinta saameynta ka dhalatay COVID-19 oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November18, 2020 –Guddiga Kumeel Gaarka ee loo xilsaaray soo diyaarinta saamaynta uu Cudurka Covid19 ku yeeshay dalka ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan ku yeeshay Xarunta shirarka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood oo uu Magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankooda waxaa ay uga hadleen Qorshe Howleedka Guddiga Covid 19  & u yeeridda Hay’adaha Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay shaqadoodu tahay xog aruurinta & wareysiga hay’adaha & qeybaha kala duwan ay quseyso arrintaan ilaa intii suuragaal ah ee la gaari karo.

Waxaa sidoo kale guddigaan lag doonayaa diyaarinta warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada kasoo baxda xog aruurinta & alo soo jeedinta Guddiga kusoo celinayo kaan hor akhrinayo golaha Shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in dalka uu kusoo laba kacleeyay cudurka Coronavirus, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay 150 ruux, waxaana guud ahaan tirada dadka Soomaaliya lag helay Cudurka COVID-19 ay gaartay 4,382 qof.

Waxaa sidoo kale Cudurka Coronavirus ka dhashay saameyn dhaqaale oo soo wajahay Dowladda Soomaaliya, Maamul goboleedyada, ganacsatada Soomaaliyeed & qeybaha kala duwan ee Bulshada.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post