1053 Views

Sheekh Cali Amiin oo imaam caan ka ah bariga Congo oo lagu toogtay masjidka weyn ee magaalada Beni isaga oo salaad ku tukanaya.

Sheekh Cali Amiin  oo  imaam caan ka ah bariga Congo oo  lagu toogtay masjidka weyn ee magaalada Beni isaga oo salaad ku tukanaya.
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Sheekh Cali Amiin, oo ahaa imaam caan ka ah bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu toogtay masjidka weyn ee magaalada Beni isaga oo salaad ku tukanaya.

Nin hubeysan ayaa toogtay Imaamka xilli lagu jiray salaadii maqrib ka dibna wuu baxsaday, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Imaamka wuxuu ahaa nin si adag u dhaleeceeya xagjirnimada islaamka ee ka jirta gobolka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bariga DR Congo waxaa si xun u saameeyay xasilooni daro, oo ay ku jiraan weeraro ay sheegteen kooxda la baxday Dowladda Islaamka (ISIS).

Waxaa sidoo kale jira kooxo badan oo hubeysan kana howlgala bariga DR Congo.

“Waxay dhacday abaare 19:15 salaadii maqrib. Rasaas ayaa ka dhacday gudaha masjidka oo lala beegsaday imaamka. Ninkii hubeysnaa waa uu baxsaday maadaama uu banaanka hore ee masjidka uu ku sugaayay qof watay mooto ,” ayuu yiri Stewart Muhindo, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post