1428 Views

SAWIRO:-Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo gaarey Kismaayo

SAWIRO:-Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo gaarey Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Magalaada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa gordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif  oo uu wehlinayo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Garoonka diyaaradaha Magalada Kismaayo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa ay Kismaayo u tageen ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ammaanka Magalada Kisamayo ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo ay martigelineyso Kismaayo wufuud kala duwan oo halkaasi u tegay Caleema saarka Axmed Madoobe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment