627 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda somaliya oo khadka teleefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda somaliya oo  khadka teleefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 1, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya , si la mid ah waxa ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo amni.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post