540 Views

Cabdi Salaan Guuleed oo hore usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA oo tilmaamay in warqadii kasoo baxday NISA ay tahay nuucii ugu horreeyay inta uu xasuusto

Cabdi Salaan Guuleed oo hore usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA oo  tilmaamay in warqadii kasoo baxday NISA ay tahay nuucii ugu horreeyay inta uu xasuusto
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022

Cabdi Salaan Guuleed oo hore usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA ayaa tilmaamay in warqadii kasoo baxday NISA ay tahay nuucii ugu horreeyay inta uu xasuusto oo ay Hay’adda Nabad Sugida iyada oo kale soo bandhigto, isagoo xusay in qoraalkaas uu xambaarsan yahay dhowr mooduuc.

Sidoo kale wuxuu sheegay in in dadku ay siyaabo kale duwan ugu falceliyeen islamarkaana qolo kasta ay si u qaadatay, wuxuuna wax lagu xumaado ku tilmaamay warka kasoo baxay NISA ee la xiriira in Al-shabaab ay doonayaan in ay disho Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Cabdi Salaan Guuleed oo hore u ahaa Taliye ku-xigeenkii Hay’adda NISA oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Nabad sugidda la arki jiray iyadoo Facebook-geeda ama twitter-keeda soo dhigto qoraalo ay qataro ka dhigeyso.

“Qoraalkaani wuxuu xambaarsan yahay dhowr Mowduuc (Statements) sida aad aragtay oo dadku ugu jawaab celiyeen ama ugu falceliyeen qolaba si ayey u qaadatay, mida koowaad waxa weeyaan warqadaani waa warqad nuucii ugu horreeyay inta aan xasuusto oo Hay’adda Nabad Sugidu oo ay iyada oo kale soo bandhigto, Hay’adda Nabad Sugida waan arki jirnay qoraalo Facebook-ga ama twitter-keeda soo dhigeyso oo ay qataro ka dhigeyso, laakiin in ay magaca qolada taargadka ah magacooda sheegto oo ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ku sheegtay iyo in ay qofka taargadkaa qofka raadinaya ama dhagar qabaha doonaya inuu wax dilo inay magaciisa faafiso waa markii ugu horreesay aan arko waa nuuc nagu cusub runtii shaki weyna keeni kara” Ayuu yiri Cabdi Salaan Guuleed.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Hay’adda looga baahan yahay in ay caddeyso magaca ruuxa ay baahisay in uu yahay ninkii hore ugu soo biiray Hay’adda mise magaca qof cusub.

“Magaca qofka ay kusoo qortay waxa weeyaan magac nin nuucaan ah inuu jiro magacaan qeyb ka mid leh, marka ma Ninkii ayey ula jeedaan oo aan ognahay in Hay’adda NISA ku jiray oo uu kusoo biiray mise magaca qof cusub ayey ula jeedaan taasi lafteeda waxay u baahan tahay xaqiijin” Ayuu yiri Cabdi Salaan Guuleed.

.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post