927 Views

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ee 2020/2021 oo soo saaray

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ee 2020/2021 oo soo saaray
____________________________________________________________________________

Axad: july 25 2021

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa soo saaray shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga wuxuu sheegay in ay cabasho u soo gudbin karaan murashax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare, xildhibaannada dowlad goboleedyada iyo xubnaha ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare ka mid ah lacag diiwaangelin cabasho oo dhan 3,000 oo dollar (saddex kun oo dollar).

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada wuxuu tilmaamay in qofkii cabanaya ee soo buuxiyo shuruudaha cabashada loogu garnaqayo muddo 7 malmood gudahooda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post