1056 Views

Guuleystihi seddexaad ee abaalmarinta billadda nabadda ee ‘Noble’ oo Koonfur Afrika lagu aasayo

Guuleystihi seddexaad ee abaalmarinta billadda nabadda ee ‘Noble’ oo Koonfur Afrika lagu aasayo
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Koonfur Afrika ayaa maanta iisu diyaarineyso aaska guuleystihi seddexaad ee abaalmarinta biladda nabadda ee ‘Noble’ baadari Desman Tutu, oo gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika, 90 jirna ku geeriyooday.

Geerida Tutu oo ay si weyn uga murugoodeen shacabka Koonfur Afrika, kaniisadda St George Cathedral kumannaan shacab ah ayaa sagootintii ugu dambeysay u sameeyey.

Tutu waxa uu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadki udub dhexaadka u ahaa dhaqdhaqaaqa lagu soo afjarayey midab takoorki ay caddaanki laga tirada badan yahay ay ka dhaqan geliyeen Koonfur Afrika intii u dhaxeysay 1948-1991-kii.

Waxaana Tutu maanta loo sameynayaa aas qaran iyada oo la filayo inuu madaxweynaha Koonfur Afrika Afrika Cyril Ramaphosa inuu khudbad halkaasi ka jeediyo.

Nelson Mandela marki uu noqday madaxweynaha Koonfur Afrika sanaddii 1994, Tutu wuxuu u magacaabay inuu hoggaamiyo guddiga Runta yo Dib U Heshiisiinta ee loo alkumay inay baaraan dambiyada la gaystay xilligii uu dalkaasi ka jiray midab takoorka.

Dhimashada Tutu ayaa kusoo beegantay toddobaadyo un kadib, markii uu geeriyoodey madaxweynihii ugu danbeeyey ee dowladdii midab takoorka ee Koonfur Afrika, FW Di Kalar, oo ku dhintey 85 sano jir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post