498 Views

Maleeshiyaad hubeysan oo xalay qof Shacab ah ku dilay degaanka Cagfagooye oo kamid ah degmada Balanballe

Maleeshiyaad  hubeysan oo  xalay qof Shacab ah ku dilay degaanka Cagfagooye oo kamid ah degmada Balanballe
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Maleeshiyaad  hubeysan ayaa xalay waxaa ay qof Shacab ahaa ku dileen degaanka Cagfagooye oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Qofka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cumar Doodaay oo Xollo dhaqato ahaa ayaa maleeshiyaadka hubeysan waxaa ay ugu tageen Hooygiisa, iyaga oo dhowr xabadood ku dhuftay, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Dad ku sugan Aaga uu dilla ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Ninka Shacabka ah uu yahay mid lala xiriirinayo aanooyin qabiil, isla markaana uu daba socdo dilal horay uga dhacay degaano hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

labadii sano ee la soo dhaafay ayaa degaannada Galmudug waxaa kusoo kordhay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iyo dagaalo toos ah oo dbexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post