1437 Views

Wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkii Axmed Madoobe oo martiqaad loogu sameeyay duleedka Kismaayo

Wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkii Axmed Madoobe oo martiqaad loogu sameeyay duleedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta duleedka Kismaayo waxaa uu martiqaad ugu sameeyay wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.

 

 

Wafuudan ayaa isugu jiray Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare iyo marto sharaf kale.

 

Martiqaadkan ayaa ahaa mid mahadnaq iyo boggaadin isugu jiray oo ku saabsan qaabkii ay ugu soo qeyb galeen caleema saarki wafuudii kala duwaneyd.

 

Dhinaca kale waxaa caawa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ka dhacdo Xaflad lagu sagootinayo wafuudii ka qeyb gashay caleema saarka, iyadoo wixii berri ka dambeeya ay wafuuda ka ambabixi doonaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment