1014 Views

Wafdi ka socda Hay’ado Caalami ah oo gaaray degmada Baraawe

Wafdi ka socda Hay’ado Caalami ah oo gaaray degmada Baraawe
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 30, 2021 —Waxaa Maanta degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed gaaray wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageerada siiya Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga oo ka kooban Hay’adaha kala ah  IOM, UN OCHA iyo qaar kamid ah howl wadeenadooda heer caalami ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, Mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Saraakiil ka girsan Ciidanka xoogga dalka & kuwa AMISOM.

Ujeedka Wafdiga ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay ee degmada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuur geli doonaan xaalada guud ee ka jirto Degmada Baraawe, iyo deeganada hoos yimaada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo wafdiga soo dhaweeyay ayaa sheegay in Madaxda Hay’adaha ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka si ay uga dhageystaan warbixin la xiriirta xaaladaha Bami’aadanimo ee kajirta degmada iyo degaannada hoostaga.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose sidoo kalena ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay dhawaan ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, iyada oo amniga degmada siweyn loo adkeeyay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post