669 Views

Xoghayaha difaaca Kenya iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Nairobi

Xoghayaha difaaca Kenya  iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo  kulan ku yeeshay Nairobi
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labada masuul ayaa waxaa ay ka wadahadleen xaaladda amni ee geeska Afrika gaar ahaan arrimaha Soomaaliya.

Monica Juma ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitterka waxay ku sheegtay in ay James Swan is dhaafsadeen xaaladdaha amni ee Geeska Afrika iyo qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaalo ku marayay dalalka arrimaha Soomaaliya saameyn ku leh, sida kuwa Carabta, wuxuuna kala hadlayay arrimo quseeya Soomaaliya.

Kulankii ugu dambeeyay, wuxuu ergaygu kula kulmay Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi, isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan horumarka Soomaaliya iyo gobolka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post