693 Views

Madaxweynaha Dowlad degaanka oo la doortay lana caleema saarayo

Madaxweynaha Dowlad degaanka oo la doortay lana caleema saarayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 18 2021=Madaxweyne Mustafe Cumar ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo Deegaanka Somalida Jigjiga shanta sano ee soo socota.,Madaxweyne Mustafe ayaa seddexdii sano ee lasoo dhaafay Deegaanka Madaxweyne ka ahaa.

Madaxweynaha  ayaa cod aqlabiyad ah oo gacan-taag ah waxaa ugu codeeyay xubnaha Barlamaanka Deegaanka Somalida.,waxana sidokale madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka somalida loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo khudbad jeediyay ayaa waxaa uu yiri” Waxaanu soo dhisaynaa xukuumad ay iskadhex arkaan dhamaan shacabka deegaanku anaga oo tixgalinayna cabashooyinkii hadda kahor na soo gaaray.

Wuxii sidoo kale sheegay in geeddi-socodkii uu deegaanku soo maray sanooyinkii u dambeeyay uu ahaa mid xusuusooyin gaar ah u leh bulshada, kaasi oo khaladaad iyo wanaagba lahaa.

Ugu dambeyn Madaxweynaja dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in golaha uu soo dhisi doono ay si weyn uga soo muuqan doonaan, balse aysan dumarka noqon doonin kuwa kaalinta dumarka matala oo kaliya ee ay aqoon iyo karti ku imaan doonaan.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post