1095 Views

Beesha caalamka oo uga digay madaxda inay lumiyaan fursadda shirka Muqdisho ka furmaya

Beesha caalamka oo  uga digay madaxda  inay lumiyaan fursadda shirka Muqdisho ka furmaya
____________________________________________________________________________

.

May 20 2021

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen uga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay lumiyaan fursadda muhiimka ah ee shirka Muqdisho ka furmaya.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.”

 “Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.”

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay soo dhoweyneyso ballanqaadka dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyada inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Shirka lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u dhacay, ayada oo weli madaxweynayaasha HirShabelle iyo Puntland ay ka maqan yihiin magaalada caasimadda ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay u badan tahay in shirka uu furmo maalinta Sabtida oo ay taariikhud tahay 22-ka bisha May, lana filayo in madaxda maqan ay berri soo gaaraan caasimadda.

Qoraalka beesha caalamka ayaa waxaa wadajir usoo saary: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post