1233 Views

Al-shabaab oo sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn Boosaaso iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari

Al-shabaab oo  sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn  Boosaaso iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay dabley hubaysan ku qaaday xabsigaas.

Taliyaha ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post