789 Views

Puntland oo madaxda dowlad goboleedyada dalka ku wargelisay in gebi ahaanba la baajiyay Shirkii Garoowe

Puntland oo madaxda dowlad goboleedyada dalka ku wargelisay  in gebi ahaanba la baajiyay Shirkii Garoowe
____________________________________________________________________________


isniin: September 20, 2021

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka ku wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay Shirkii Garoowe lagu ballansanaa.

Madaxweyne Deni ayaa go’aankaas qaatay kadib markii madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu ka dalbaday in la baajiyo shirka oo looga arrinsan lahaa arrimaha doorashada iyo xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale Baajinta Shirkaas ayaa muran ka dhex aloosay madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Qoor Qoor uu sidoo kale dalbaday in shirka la ballaariyo, si uu ugu biiro ra’iisul wasaaraha, una guddoomiyo shirweynaha ka dhacaya Garoowe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post