939 Views

Nin Dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan Ah Oo Xukun Adeg Lagu Riday

Nin Dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan Ah Oo Xukun Adeg Lagu Riday
____________________________________________________________________________

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota xukun adeg ku riday Nin sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 Muwaadin Soomaali-Mareykan ah ku dilay gudaha dalkaas.

Xukunka oo shalay oo Jimco aheyd dhacay ayaa lagu riday Leroy Davis Miles oo si aan ku tala-gal aheyn u dilay Shirwac Xasan Jibriil oo ahaa Darawal kana shaqeyn jiray dalka Mareykanka oo in muddo ah uu kunoolaa.

Webiste-ka Startibune ayaa laga soo xigtay in Maxkamadda la horgeeyay dukumiintiyo muujinaya in Eedeysane Davis Miles iyo rag la socday ay ka qeyb qaateen dilka loo geystay Marxuum Shirwac oo loo adeegsaday Feer looga dhuftay dhabarka iyo Madaxa, waxaana Davis Miles lagu riday xukun ah 13 sanno oo xarig ah.

Sidoo kale Muuqaalo ay buubeen kaamirooyinka qarsoon ayaa laga arkayay in Davis Miles oo madaxa iyo dhabarka feer ugu dhufanaya Shirwac Xasan Jibriil, kadibna uu madaxa ka dul-maray Bas xiligaas wadada mararay, sidaasina uu ku geeriyooday Shirwac.

Si kastaba Marxuum Shirwac Xasan Jibriil ayaa ahaa aabaha sideed caruur ah iyo awoowaha sideed kale, isagoo sanadkii 2007-dii Mareykanka galay, kadib markii uu soo maray Bariga Dhexe, Italy iyo Germany.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post