315 Views

Boqorka cusub oo maanta tacsi ka dhageysanaya baarlamaanka UK

Boqorka cusub oo maanta tacsi ka dhageysanaya baarlamaanka UK
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Afar maalmood ka dib geeridii boqorad Elizabeth, Boqor Charles saddexaad iyo Boqoradda Consort ayaa Isniinta maanta u safri doona Westminster Hall, oo ah dhismaha ugu da’da weyn baarlamaanka Britain halkaas uu ka jeedin doono khudbad isaga hadallada tacsida ah kala socon doono baarlamaanka.

Dhismaha Westminster ayaa jiray tan iyo sanadkii 1097 halkaas oo la dhigi doono naxashka uu ku jiro meydka boqoradda si shacabka ay usoo eegaan.

Xildhibaanada labada gole ayaa yeelanayaa kulan ay ku muujinayan tacsida boqoradda.

Boqor Charles ayaa sidoo kale ku biiri doonaa dadka xusayo boqoradda isla markaana wada naxashka uu ku jiro meydka boqoradda .

Naxashka meydka Boqorad Elizabeth II ayaa yaalla magaalada Edinbrugh, caasimadda Scotland, gaar ahaanna qasriga Holyroodhouse oo ay boqortooyadu ku leedahay magaaladaas.

Aaska boqoradda ayaa ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka bishan Sebtember.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post