1470 Views

SAWIRO: Talaalka cudurka Karoonaha oo Muqdisho soo gaaray

SAWIRO: Talaalka cudurka Karoonaha oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15da Maarso, 2021–Waxaa goor dhow Muqdisho soo gaartay diyaarad siday talaalka cudurka Karoonaha oo markii ugu horreysay lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Talaalka ayaa waxaa siday diyaar gaar ah oo leedahay Hay’adda cuntada Aduunka ee WFP.

Waxaa loogu tala galay in lagula dagaallamo cudurka Karoonaha soo si weyn ugu baahiyay magaalada Muqdisho todobaadydii lasoo dhaafay.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa gaaray Wasiirka Caafimaadka iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobey si ay ula wareegaan talaalka oo ah mid loogu deeqay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post