927 Views

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb & Shirka oo la soo xirayo

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb & Shirka oo la soo xirayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Waxaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Maamulka Galmudug,kaas oo 5-tii Bishaan uu Magalada Dhuusamareeb ka furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Shirka ayaa waxaa loogu talo galay inay ka qeyb-galaan 356 Ergo,hayeeshee ay gaareen  in ka badan 700 ergo oo laga soo kala xulay 11-ka Beelood ee dega deegaannada Maamulka Galmudug,waxaana 10 Maalood oo uu socday looga hadlay arrimo dhowr ah.

Hoos Ka Akhriso Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka Dib u heshiisiinta Galmudug looga hadlay.

 

1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo.

 

2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys.

 

3:  Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka.

 

4:  Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay.

 

5:  Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.

 

6:  Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug.

 

7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug.

 

8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay.

 

9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug.

 

10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo xiro wajiga 1aad ee Shirweynaah dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Dowlad goboleedka Galmudug,waxaana Magalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment