462 Views

Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida

Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida
____________________________________________________________________________

Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa ku eedeeyay dhibaatada keentay Shidaal yarida ka jirta degaanka inay mas’uul ka yihiin Ganacsato Shidaalkii loogu talo galay degaanka u weeciyay degaano kale.

Wuxuu sheegay inay Ganacsatada Shidaalka ku iibinayaan suuqa madow, isla markaana uu aaminsan yahay in Shidaalka loogu talo galay degaanka uu yahay mid ku filan balse ay jiraan dad meelo kale u weecinayo taas oo keentay in uu yaraado.

Dhibaatada kale ee shidaalka ka jirta ayuu Madaxwaynuhu sheegay inay tahay iyadoo kootadii uu degaanku lahaa shidaalka aysan toos usoo galin degaanka, tusaale ahaan Naaftada oo bishan la rabay in degaanka ay soo galaan 252 Booyadood, ay yimaadeen kaliya 155 Booyadood, halka Batroolka oo isagana laga rabay 96 Booyadood, ay yimaadeen 53 Booyadood taasina ay tahay dhibaato guud oo dalka Itoobiya ka jirta,  sida uu sheegay Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Bulshada kunool dowlad degaanka Soomaalida waxaa ay ka cabanayeen shidaal yari iyo Sicir barar taas oo keentay in Madaxweynaha degaanka uu soo farageliyo kuna eedeeyo inay mas’uul ka yihiin Ganacsatada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post