4212 Views

Ra’isul-Wasaraaha Ethiopia oo ku dhaartay inaysan waxyeeli doonin saamiga Masar ee biyaha webiga Niil

Ra’isul-Wasaraaha Ethiopia oo ku dhaartay inaysan waxyeeli doonin saamiga Masar ee biyaha webiga Niil
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11, 2018 – Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed Ali waxa uu magaca Rabbi ku dhaartay inuusan dalkiisa marnaba waxyeelli doonin Saamiga Masar ee Webiga Niil, xilli ay Dowladda Masar ka walaacsan tahay Dhismaha Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia ((The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo Webiga Niil.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi xalay ku qabteen Qasriga Itixaadiya ee magaalladda Qaahira.

“Annaga, marnaba dareen kama lihin inaan sabab u noqono waxyeelo kasta oo soo gaarta dalka Masar iyo dadkiis, waxaan doonaynaa inaan ka macaashno Webiga Niil, iyadoo aan la waxyeeli doonin Danaha Masaarida” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo intaasi ku daray inay doonayaan inay dib-u-dhisaan Kalsoonidii kala dhexeysay dalka Masar.

Waxa kale oo uu tilmaamay in sababaha uu u yimid Qaahira tahay sidii loo dhisi lahaa Kalsoonida labada Waddan, xalka Biyaha Webiga Niil, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Ethiopia doonayso inay kordhiyaan Saamiga Biyaha ee Masar.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu soo dhaweeyey Niyadsamida uu muujiyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo booqasho 2 maalmood ah ku jooga Masar.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu xalay ka qeyb galay Munaasabad Afur ahayd oo uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Qaahira.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Iskaashiga Ganacsiga iyo Wershadaha, sidii ay Masar deegaan Wershadaysan uga dhisan lahaayeen gudaha Ethiopia, Maalgashiga Shirkadaha Khaaska ee Masar ee gudaha Ethiopia, dhiiri-gelinta suuq-geynta Xoolaha nool Ethiopia ee dalka Masar, Iskaashiga Beeraha, Kalluumeysiga iyo Qaddiyadaha ka taagan Afrika, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan iyo Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea.

rw-itibiya-wabiga-nile-4 rw-itibiya-wabiga-nile-3 rw-itibiya-wabiga-nile-2 rw-itibiya-wabiga-nile-1

.

Xigasho Egypt Today

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment