1869 Views

Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya oo eedeeyey xiriirka kubadda Somaliya

Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya oo eedeeyey xiriirka kubadda Somaliya
____________________________________________________________________________

 

Talaado:  June 22 2021

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul daro kala kulmay dhigooda Cummaan, kulan ka tirsanaa is reebreebka koobka Carabta ee FIFA Arab Cup, Kulankaasoo ka dhacey garoonka Jasim bin Hamad ee dalka Qatar.

Sida ay qortey warbaahinta dowlada Soomaaliya, Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya Axmed Siciid Axmed “Casaanyo”, ayaa eedeyn dusha ugga tuurey xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, isagoo sheegay in guul daradii ku dhacdey ay iyagu mas’uul ka yihiin.

Kabtan Casaanyo, ayaa is weeydiiyey sida ay uggu babac dhigi karaan xul tababarkiisu joogto yahay, halka buu yiri aaney sameyn tababar ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya, marka laga reebo laba maalmood oo ah maalmihii u danbeeyey.

Maxamed Cumar Baakaay, oo ah falan qeeye dhanka ciyaaraha oo kusugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in kooxda Soomaalida iyaga dhexdooda aaney is fahamsaneyn dhanka isku xirnaanta, iyo wajahidda kooxda kasoo horjeedda.

Barkhadle Cusmaan Cumar “Shabalaala”, oo isna ah falan qeeye dhanka ciyaaraha oo kusugan Nairobi, ayaa tilmaamey in kooxda Soomaalida ay wanaag sanaayeen marka la eego ciyaarta, iyadoo ay dhici karto in mararka qaarkood fursad ay heli karto kooxda kaasoo horjeeda.

Kabtanka ayaa kooxda xulka qaranka Soomaaliya ku ammaaney sidii ay u muujiyeen dadaalka dheeraadka ah intii ay socotey ciyaarta ay la yeesheen xulka qaranka ee Cummaan, oo lagaga badiyey Cummaan 2 – Somalia 1.

Taageerayaasha ayaa ku dhaliila kooxda xulka qaranka Soomalaiya guul la’aanta, inkastoo haddana duruufaha ay la nool yihiin ay tahay mid addag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post