579 Views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Hirshabelle iyo malayshiyaadka Gen. Xuud oo xalay ka dhacay B/weyne

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Hirshabelle iyo malayshiyaadka  Gen. Xuud oo xalay ka dhacay B/weyne
____________________________________________________________________________

Axad: Julay 4, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya ciidanka Hirshabeelle iyo malayshiyaadka uu hoggaamiyo Gen. Xuud oo mucaaradsan maamulkaas.

Gudaha magaalada ayaa gelinkii dambe ee xalay laga maqlay dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ka dhacaysa, taas oo ay is weydaarsanayeen ciidanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo malayshiyaadka Gen Xuud.

Goobjoogayaal ku sugan Beledweyne, ayaa laga soo xigtay in dhawaqa rasaasta labada dhinac is weydaarsanayeen laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada islamarkaana dadweynuhu hurdada kaga salaleen.

Weli ma jirto faahfaahin laga helay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka, waxaase wararka qaar sheegayaan in uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac kaas oo aan si dhab ah loo ogayn baaxaddiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post