537 Views

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo laga guddoomiyaha Warqadaha Danjirannimo

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo laga guddoomiyaha Warqadaha Danjirannimo
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022


Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya, Ahmed Ali Dahir ayaa gudbiyay warqadaha aqoonsiga ee Danjirinimo, iyadoo munaasabadda looga guddoomayey warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhavan).

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Ahmed Ali Dahir waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu.

Ugu horreyn waxaa uu Safiirku gudbiyey dhanbaalka dowaladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya.

Madaxwaynaha dalka Hindiya ayaa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyeeysay weerarkii bahalnnimo ay dhawaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xayaat ka sameeyeen kooxaha argagixisada ee alshabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post