1404 Views

AMISOM Oo Beenisay In Ay Ka Baxayaan Saldhigyadda Ay Ku Leeyihiin Gudaha Somalia

AMISOM Oo Beenisay In Ay Ka Baxayaan Saldhigyadda Ay Ku Leeyihiin Gudaha Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Hadal-qoraal oo ay Taliska AMISOM soo saareen ayey ku sheegeen inaysan jirin ciiddamo laga soo daad-gureynayo Farriisimadda ay joogaan, balse ay Ciiddankaasi taageerayaan sidii loo badbadaain lahaa dadka Soomaalida.

AMISOM waxay kaloo sheegeen in Istaraatijiyadda dhaqdhaqaaqa Ciiddankooda ee hal meel la isugu keenayo looga dan leeyahay sidii ay Alshabaab looga saari lahaa Deegaanadda ay joogaan iyo sidii loogu diidi lahaa inay si xor ah u dhaqdhaaqaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalka ka soo baxay AMISOM ayaa yimid, kadib, markii ay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM dib uga baxeen farriisimo ay ku lahaayeen Gobalka Gedo, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan weeraro kaga yimaada Alshabaab.

 

Bishii janaayo 15-dii ee sannadkii 2016-dii, weerar ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigii Ciiddanka Kenya ee Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo waxaa lagu dilay in ka badan 170 Askar Kenyan ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment