606 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhawayd u safray Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhawayd u  safray Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Booqashada wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay la xiriirto dardargelinta iyo hubinta Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee 11-aad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudada uu joogo Galmudug waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda maamulkaas, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xubnaha guddiyada doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed ee ku sugan Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u ballanqaaday in uu safar ku tagayo xarumaha Dowlad-Goboleedyada dalka, si uu u dardargeliyo qabsoomidda Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post