1329 Views

Nin Soomaali Oo Iska Soo Tuuray Dabaq Ku Yaalla Sacuudiga Oo Geeriyooday

Nin Soomaali Oo Iska Soo Tuuray Dabaq Ku Yaalla Sacuudiga Oo Geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Qurbo-joog Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu iska tuuray Dabaqa 4-aad dhismo ka kooban 5 Dabaq oo ku yaalla magaalladda Jidda ee dalkaasi.

Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayey halka uu maydku yaalla, ayaa ku wargeliyey Hay’addaha Ammaanka, kuwaasi oo soo gaaray isla goobtii.

Ciiddan Roondo oo ka tirsan Boliska Degmadda Samiir iyo Ciiddanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dembi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaalla maydka, waxayna ururiyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismaha Dabaqyadda.

Boliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu  Ninka Soomaalida isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo maydka Marxuumkaasi la dhigay  Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn,

Wargeyska ma uusan sheegin magaca Marxuumka Soomaalida ee dhacdadaasi ku geeriyooday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment