528 Views

Raila Odinga oo ballan qaaday in uu dib furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya

Raila Odinga oo ballan qaaday in uu dib furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in haddii madaxweyne loo doorto uu dib u furi xadka Soomaaliya iyo Kenya si badeecadaha ganacsiga ah looga gudbiyo labada dal.

Raila Odinga oo haatan musharraxa madaxweynaha ee isbaheysiga Azimio la Umoja ayaa sidoo kale in uu ka shaqeyn doono xaqiijinta amniga Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooy Bari.

“Waa in aan isla meel dhignaa wax kasta oo looga baahan yahay arrintan si loo xaqiijiyo dhaqdhaqaaqyada ka socda xadkan oo loo furi lahaa sidii xadka loo furi lahaa si aan si xoriyad ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya” ayuu yiri Raila.

Raila Odinga ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalayay isu soo bax siyaasadeed uu ku qabtay Mandheera.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post