768 Views

Akhriso:- Yaa bixiyay Amarka lagu joojiyay in hub lala galo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde?

Akhriso:- Yaa bixiyay Amarka lagu joojiyay in hub lala galo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga ayaa arrintan u sababeysay kor u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka Garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha Garoonka.

Iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayay Wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka waxay ku wargelisay Hay’adaha ku socoto warqaddani iyo kuwa ogeysiiska ku leh intaba, inaan lala geli karin wax hub ah gudaha Garoonka Aadan Cadde si loo dhowro amniga Garoonka, waxaana kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta kale, ayaa la faray in ay ciidamada la socda iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate, Mariina Gate, iyo irdaha kale ee waa weyn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post