981 Views

Shir looga hadlayo dhaqaalaha Afghanistan oo ka dhacaya Talyaaniga

Shir looga hadlayo dhaqaalaha Afghanistan oo ka dhacaya Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Talaado: October 12, 2021

Shir ay soo qabanqaabiyeen dalalka hodanka ah ee la isku yiraahdo G-20 oo ka dhacaya dalka Talyaaniga ayaa looga hadlayaa dhaqaalaha dalka Afghanistan.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saarayo arrimaha bani’aadannimada.

Tan iyo intii ay Taliban xukunka Afghanistan la wareegtay 15-kii bishii Agoosto, iyadoo markii horaba dalkaasi uu la daalaa dhacayay abaaro iyo sabllnimo baahsan oo ka dhashay tobnaan sana oo dagaal ah, ayaa dhaqalaihiisu uu hoos u sii dhacayay.

shirkan oo barta fogaan-aragga lagu qabanayo ayaa diiradda lagu saari doonaa bahaiyaha gargaarka, walaaca laga qabo ammaaka iyo qaabab dibadda loogu qaadi karo kumannaan reer Afghanistan ah oo la shaqeynayay dalalka reer Galbeedka.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa lagu wdaaa inuu ku soo biiro shirka, isagoo sharrixi doona doorka Qaramada Midoobey ee wax ka qabashada xasaraddan, iyadoo ay jiraan dalal badan oo aan dooneyn inay xiriir toos ah la yeeshaan Taliban.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post