873 Views

Amar Cusub oo kasoo baxey Dowladda oo Maanta dhaqan galaya

Amar Cusub oo kasoo baxey Dowladda oo Maanta dhaqan galaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado     , March 31, 2020 —Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawaqday in maanta la xirayo dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan wadanka, si looga hortago faafida xanuunka Covid-19.

 

Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamad Xasan ayaa sheegay in tallaabada lagu xirayo dugsiyada quraanka ay dhaqangalayaan maanta oo Talaado ah.

 

 

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ka hor inta aysan qaadan go’aanka lagu xirayo dugsiyada ay wada-tashi la sameeyeen dhinacyada ay qusayso.

 

 

 

“Inta aanan la wadaagin bulshada Soomaaliyeed waxaan kala tashanay culumada iyo maclimiinta waxaana u sheegnay khatarta uu cudurkan leeyahay iyo caruurta dugsiyada isugu imanaysa”, ayuu yiri Mr Sheekh Nuur.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ee Muqdisho iyo gobolada qaarkood ay saaka fasaxeen Macalimiinta Ardeyda,iyaga oo fulinaya Amarka Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment