387 Views

Dowladda Oo Soo Bandhigtay Eedo Culus Oo Loo Heysto Saxafi Cabdalla Muumin oo Dhawaan la Xiray

Dowladda Oo Soo Bandhigtay Eedo Culus Oo Loo Heysto Saxafi Cabdalla Muumin oo Dhawaan la Xiray
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 13, 2022

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Xoghaya ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumim aan loo xirin eedo la xiriira shaqadiisa Saxaafadda ee loo heysto eedo ku saabasan arrimo amni sida lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

“Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala. Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada warfaafinta.

Wasaarada ayaa sidoo kale tilmaamtay in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda, iyadoo aan fasiraad buuxda ka bixin rasmi ahaan eesaha loo heysto.

“Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda” ayaa qoraalka lagu sii raaciyay.

Si kastaba, Cabdalla Muumin oo Talaadadii laga xiray garoonka Adan Cadde isagoo Nairobi u duulaya ayaa habeenkii 2aad ku xiran mid kamid ah xarumaha NISA, waxaana socda dadaalo xabsiga looga sii deynayo.

Maamulada Warbaahinta ayaa maanta la kulmay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, iyagoo kala hadlay arrimo ay kamid tahay sidii dib xoriyadiisa loogu siin lahaa Cabdalla Muumin oo ku caan baxay u qareemida suxudiyoonta madaxa banaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post