882 Views

Puntland oo xabsiga dhigtay Askar dad Shacab ah rasaaseeyay

Puntland oo xabsiga dhigtay Askar dad Shacab ah rasaaseeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 29-2020-Taliska Ciidamada Booliska qeybta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay Maanta Xabsiga dhigeen laba Askari oo loo heysto inay rasaaseeyeen haween u badan Ganacsato oo banaanbax ka dhigayay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Askartaan ayaa waxaa la sheegay in xilli shalay Ganacsatada yar yar xilli ay banaanbax ka dhigayeen Barxada Magaalada Garoowe ay rasaaseeyeen,waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay saddex Ruux oo mid kamid ah uu dhaawaca u geeriyooday.

Ganacsatada banaanbaxa dhigayay ee la rasaaseeyay ayaa waxaa ay ka cabanayeen lacago ay sheegeen inay kusoo kordhisay Wasaaradda Ganacsiga Dowlad goboleedka Puntland,waxaana weli jirin cid ka jawaabtay cabashadooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin in dhibaato loo gaysto shacabka,waxaana ay sheegeen inay tallaabo cad ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubto dadka Shacabka ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post