1842 Views

Mareykanka oo meel mariyay sharci taageeraya muslimiinta Shiinaha

Mareykanka oo meel mariyay sharci taageeraya muslimiinta Shiinaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Xubnaha Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa meel mariyay shaci ka hortagaya waxa loogu yeeray xarig aan sabab lahayn, jirdil, iyo dhibaateyn xukumadda Shiinuhu ku heyso muslimiinta Uighur ee ku nool gobolka Shinwaa.

 

Xubnaha Aqalka ayaa ku baaqay in bartilmaameedku uu noqdo cunaqabateyn la saaro xubno ka mid ah madaxda dowladda Shiinaha iyo Chen Quanguo oo ah  xoghayaha xisbiga Shuuciga ismaamulka gobolka Xinjiang.

 

 

 

Sharciga ay meel mariyeen xubnaha Aqalka Wakiilad ayaa waxa uu u baahan yahay in ay ansixiyaan xubnaha Aqalka Senetka iyo Madaxweyne Trump.

 

 

 

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Shiinaha ayaa si caro leh uga jawaabay sharcigasi ay soo gudbiyeen xubnaha Aqalka Wakiilada,wuxuuna tallaabadaasi ku macneeya mid xaasidnimo ah,

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment