603 Views

Shirkadda Hormuud Telcom oo la guddoonsiiyey abaal marino kala duwan.

Shirkadda Hormuud Telcom oo la guddoonsiiyey abaal marino kala duwan.
____________________________________________________________________________

khamiis: November 11, 2021

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka qeyb galeen  qaabisay Hey’adda abaal marinta ganacsiyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Sanatarro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Madaxda Rungta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa shirkadda Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyey abaal marinno kala duwan.

Guddoomiyaha Hey’adda abaal marinta ganacsiyada Soomaaliyeed (Somali Business Award) Ridwaan Yuusuf Xaaji oo soo qaban qaabisay abaalmarinnadaan ayaa sheegay in shirkadaha guuleystay ku muteysteen cod bixin laga ku dhacday hab electronic ah oo ay ka qeyb qaateen dad ku dhow 500,000 oo Soomaali ah kuwaas oo ku kala nool dunida dacalladeeda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay in shirkadda hormuud ay sanadka 2021 ku guuleysatay shirkadda ugu fiican isgaarta.

_________

Dhanka kale waxaa isla munaasabaddaan shirkadda Hormuud lagu guddoonsiiyey Billadda Shirkadda ugu fiican Gargaarka & ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada.

Hey’adda ayaa sheegtay in Shirkadda ay abaal gudkaan ku muteysatay kaalintii ay ka geysatay latacaalidda Caabuqa Covid-19 oo isugu jiray lacago Cash ah, haamaha oksajiinta, Dhismo Isbitaallo & xarumo kale oo caafimaad taasoo wax weyn ka tartay ka hortagga cudurkaas, iyadoo shirkadda Hormuud ay markii ugu horreysay Dalka ka hir gelisay warshad Oxygen-ta soo saarta, si xal loogu helo baahida Oxygen la‘aanta ee ka jirta Dalka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaaliyeed Maxamuud Cabdikariin  Gabeyre oo biladda Sharaftan guddoonsiiyey shirkadda Hormuud ayaa sharraxay qaar ka mid waxyaabihii ay ku muteysatay billadaan.

____Clip____

Guddoomiyaha Gobolka Banaadira ayaa shirkadaha la abaal mariyey ku bogaadiyey adeegyada hufan oo ay bulshada u hayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post