720 Views

Qaraxii ka dhacay goor dhawayd Muqdisho oo lala eegtay Taliye xigeenka ciidanka xoogga, Jeneraal Cabaas..

Qaraxii ka dhacay goor dhawayd Muqdisho oo lala eegtay Taliye xigeenka ciidanka xoogga, Jeneraal Cabaas..
____________________________________________________________________________

 28 /2/ 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay  mqaraxii saakay ka dhacay wadada Cabdiqaasin  degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan lala eegtay gaadiid uu la socday Taliye xigeenka ciidanka xoogga, Jeneraal Cabaas oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.

wararka ayaa sheegaya inay ku dhinteen ku dhawaad 3 askari oo la socday ilaalada Taliyaha.

Sidoo kale waxaa jira khasaare u badan dhaawacyo oo soo gaaray dad u badan shacab, kuwaas oo wadada marayey.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post