708 Views

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Gobolka Bakool

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 02, 2021–Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin, Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale waxaana garoonka diyaaradaha degmada Bardaale kusoo dhaweeyay maamulka degmadaas.

Ujeedka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee degmada Bardaale u tageen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen Xaaladda bini-aadanimo ee ka jirta iyo qaabka ugu haboon ee kaalmo lagu gaarsiin karo dadka ku dhaqan deegaanada ku xeeran degmada Berdaale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xubnaha wafdiga ayaa wadeen gurmad aan badneyn oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay dadka kunol degmada Bardaale oo u gculeyso farabadan ay kajiraan.

Inta badan degmooyinka Gobolka Baay ayaa waxaa kajira culeyso amni oo ay saareen Al-Shabaab, waxaana Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ay indhowaalaba howlo gar-gaar ka wadeen qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post