909 Views

Maamulka G/Banaadir oo soo farageliyey dagaal beeleed ka jiray Kaxda

Maamulka G/Banaadir oo soo farageliyey dagaal beeleed ka jiray Kaxda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo geba-gabeeyay xalinta dagaalo maalmihii lasoo dhaafay degmada kaxda ku dhaxmaray maleeshiya hubeysan oo u abaabulan hab beeleed,kuwaas oo dagaalkooda uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Kusimaha duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere) ayaa kulan waxaa uu la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka degmada Kaxda ayaa la sheegay in lagu soo afjaray xiisadii dagaal ee ka jirtay degmada Kaxda.

 

Mid kamuid ah Odayasha Dhaqanka degmada Kaxda Kaxda ayaa sheegay in qofkii qof dilaa sharciga la horgeeyo,hadii taasi la waayana aysan waxhagaageen,isaga oo u mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir.

Kusimaha duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere)  ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono dadka caqabada ku ah horumarka iyo xasiloonida deegaanka.

 

Waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaalo dhiig uu ku daado,isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uusan aqbaleyn taasi,waxaana Bulshda uu ugu baaqay inay nabadda ka Shaqeeyaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment