264 Views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor iyo Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya oo abaabul Dagaal ka Wado degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor iyo Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya oo abaabul Dagaal ka Wado degmada Wisil ee gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________

.

Isniin:  January 16 2023

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu wehliyo Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo  gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Qoor Qoor iyo xubnaha la socday waxaa Wisil kusoo dhaweeyay wasiirro katirsan maamulka Galmudug, Xildhibaano , Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Wasil.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa degmada Wisil u tagay abaabulka howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere ee gobolka iyo deegaanno kale oo gobolkaasi katirsan.

Degmada Wisil waxaa horey u gaaray ciidamo badan oo isugu jira kuwa darawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, ciidankan ayaana loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka Al Shabaab looga saarayo Koonfurta gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wararku sheegayaan in suurto gal tahay in maalmo joogo degmada Wisil uuna halkaasi ka hoggaamiyo howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere iyo deegaannada kale ay ka joogaan Mudug.

Halka wararka Qaar Sheegaayaab inuu Doonaayo in Hogaanka Dagaalka Lagu wareejiyo Balse Taliye Biixi uu Diiday arinkaas Qoor Qoor ayaana La Sheegay inuu Doonaayo inuu Beesha Sacad ka Codsado inaysan Dagaalka Qayb ka Noqon lama oga Halka Uu ku Danbayn Doono Khilaafkaan Cusub ee Soo kala Dhexgalay Qoor Qoor iyo Dowlada Federaalka..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post