612 Views

Saraakiil katirsan Booliska Kenya oo Weerar lagu dilay

Saraakiil katirsan Booliska Kenya oo Weerar lagu dilay
____________________________________________________________________________


Talaado: January 11, 2022

Dowladda Kenya ayaa muddo hal todobaad ah hakisay diyaaradaha tooska ah ugu imaanayay dalalka isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo dhaqan gashay 10-kii bishan January.

Hay’adda duulista hawada Kenya oo loo soo gaabiyo KCAA, ayaa sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay xayiraad xaga safarka ah oo Imaaraadku ku soo rogay duulimaadyada rakaabka ee ka imaanayay Kenya, ha yeeshee arrintan ayaanan saameyn doonin diyaaradaha xamuulka qaada.

Bishii Disembar ee sannadkii hore, maamulka duulista rayidka ee Dubai ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya.

Waaxda duulista hawada ee Imaaraadka ayaa walaac ka muujisay in dadka safarka ah ee ka yimid Nairobi ay ka heeleen cudurka Covid-19 inkasta ay siteen shahaado muujineysay in cudurka aysan qabin.

Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa bilowday baaritaan ku aadan dhacdadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post