1434 Views

Khalifa Haftar oo ka Qeyb galaya tartanka doorashada xilka madaxweynaha ee Dalkaas

Khalifa Haftar oo ka Qeyb galaya tartanka doorashada xilka madaxweynaha ee Dalkaas
____________________________________________________________________________


khamiis: September 23, 2021

Janaraalka hoggaamiye kooxeedka ah ee Liibiya, Khalifa Haftar, ayaa qaaday tallaabo u suurtagalin karta inuu ka qayb galo tartanka doorashada xilka madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo bisha December.

Khalifa Haftar ayaa sheegay inuu ka tanaasulayo doorkiisa dhinaca militariga, sidaasna uu ku joojin doono dhammaan “waajibaadkii ciidannimo”.

Waxa uu u muuqdaa inuu ka faa’iideysanayo shuruucda cusub ee muranka dhaliyay.

Dadka falanqeeya arrimaha Liibiya ayaa sheegay in qabsoomidda doorashada ay shaki gelinayaan ismaandhaafka u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda ee dalkaas.

Haftar oo doonayay inuu Liibiya ku qabsado ciidamo xoog leh oo taageero ka heystay Ruushka iyo dalal ka tirsan carabta ayaa la jabiyay kaddib markii uu Turkiga la dagaallamay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post