864 Views

Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan oo caawa la wareegay magaalada Beledweyne

Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan oo  caawa la wareegay magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 2021

Wararka ka imaanaya caawa B/weyne ayaa sheegaya in Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ay caawa la wareegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminaya saraakiil ka tirsaneed Ciidamada qalabka sida ee joogay Hiiraan, waxaaana  warbaahinta u sheegeen in guud ahaan magaalada ay gacanta ku hayaan, HirShabeelle dambana aysan ka tali doonin.

Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle.

Korneyl Cabdullahi Barre oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay magaalada ula wareegeen ay tahay tallaabo ay uga hor-tegayaan in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu keeno Beledweyne.

“Ciidamadu waxay la wareegeen xarun kasta oo maamulku kulahaa Beledweyne, waxaa noo cuntami weysay in sayaasiyiin dano gaara leh ay waxay rabaan ka sameystaan gobolkaan, dowladda federaalka waxaan ka codsaneynaa in dhibaatada ka jirta Beledweyne ay soo fara geliso, meel kasta waan la wareegnay, hadda waxaan ku suganahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, dhibaatadii jirtana caawa ayey soo dhamaatay,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Barre oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la wareegay Beledweyne.

Sidoo kale Korneyl Nuur Dheere ayaa sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibtaada ka jirta gobolka, isla markaana talada gobolka ay la wareegi doonaan hadda kadib.

“HirShabeelle wax la yiraahdo kama sii jiri doono gobolkaan Hiiraan, qeylada reer Hiiraan waana dhibtay, hadda kadibna halkaan kama tali doonto HirShabeelle, talada gobolkaan anagaa la wareegnay,” ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere oo ka tirsan saraakiisha daraawiishta HirShabeelle.

Sidoo kale Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post