1074 Views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo soo gaaray Nairobi

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo soo gaaray Nairobi
____________________________________________________________________________



Arbaco: November 17, 2021

Isbedelka cimilada iyo amniga dalka Itoobiya, Sudan iyo Sahel ayaa lagu wadaa in ay noqdaan ajandaha ugu sarreeya ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken booqashadiisa maanta ee qaaradda Africa.

Blinken ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalalka Nigeria iyo Senegal.

Booqashadiisa Africa ayaa noqon doonta mid hoosta ka xarriiqi doonta, kala duwanaashaha maamulka madaxweyne Biden iyo maamulki ka horreeyay ee Donald Trump.


Trump ayaa qaar ka mid ah dalalka Africa ku tilmaamay boosanneer, isla markaana iska dhaga-tiray jiritaanka isbedelka cimilada.

Blinken ayaa maanta kala hadli doono madaxweynaha Kenya, xaaladda waddanka Sudan oo uu dhawaan ka dhacay afgambi ay millatarigu sameeyeen, iyo sidoo kale dagaalka ka socda dalka Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post