1035 Views

Madasha bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka oo Fariin u diray Q. Midoobay iyo Beesha caalamka.

Madasha bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka oo Fariin u diray  Q. Midoobay iyo Beesha caalamka.
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Madasha la magac-baxday bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa frriin la xiriirta xaalada dalka u dirtay golaha amaanka ee QM.

Qoraalka ay madasha la wadaagtay golaha ammaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta muddo kororsiga.

Madasha bad-baado qaran ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedo go’aanka Golaha Shacabka uu ku ansixiyey qaraarkaasi labada sano ah.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale madasha bad-baado qaran ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday  in fariintooda laga aqriyo golaha hortooda.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen in tallaabada ay qaadeen xildhibaanada golaha shacabka ay khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay xaalad cusub gashay, kadib muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii doorashada.



OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post