1437 Views

Turkiga oo looga digay ganacsiga dahabka

Turkiga oo looga digay ganacsiga dahabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 04 February 2019 –Xukuumadda Turkiga ayaa wajahaysa cadaadis horleh oo ah inay joojiso dahabka ay ka iibsanayso dalka Venezuela.

Ilo wareed ah diblomaasi sare oo reer Galbeed ah ayaa BBC-da u sheegay in Turkiga uu ka mid yahay dalalka walaaca laga qabo in xiriir ganacsi la sameyaan Venezuela.

Waxaa uu intaasi ku daray in uu jiro shaki ballaaran oo ah in dahabka loo dhoofinayo Turkiga uu si toos ah u aadayo dalka Iiraan arrintaas oo ku xadgudbaysa cunaqabataynta Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero buuxda u fidiyay Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo wajahaya xiisad siyaasadeed oo sii kordhaysa.

Ganacsiga dahabka ee Venezuela iyo Turkiga ayaa sare uu sii kacaya. Sanadkii lasoo dhafay oo keli ah dalkan ku yaala Laatiin Ameerika ayaa Turkiga u dhoofiyay dahab lagu qiyaasay ilaa $900m oo doolar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment