2721 Views

Daawo Sawirada :-Wasaarad Boostada Oo Baaq dirtay

Daawo Sawirada :-Wasaarad Boostada Oo Baaq dirtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 30, 2017Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in farsamada casriga ah loo adeegsado arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda iyo qandaraasyada ee dowladda, taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhiirri-gelinta maamul-wanaagga.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka tababar 4 maalmood socday oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda, oo ku saabsanaa arrimaha maaliyadda iyo maareynta qandaraasyada, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, qaybta Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT).

Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka-qeybgalayaashii tababarka inay fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarkan, si hantida qaranka aan loo dayicin, iyadoo loo adeegsanayo sida ugu habboon ee ay ku jirto danta ummadda.

Wuxuu wasiirku xusay in nidaamka qandaraasyada oo kharribma uu horseedi karo inaan laga faa’iideysan mashaariicda horumarineed,isla markaana uu kor u kacaya qiimaha mashaariicda horumarineed, taasoo ugu dambeynta dhaawaceysa horumarka dhaqaale ee dalka.

Wasiirka oo hoos ka xarriiqayay baahida loo qabo in la kobciyo awoodda shaqaalaha ee dhinaca teknolojiyada, ayaa sheegay in Wasaaraddani kaalin hormuud ah ka qaadan doono sidii shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya dhinacyada maaliyadda ay u noqon lahaayeen kuwo aqoon u leh oo ku shaqeyn kara farsamada carsiga, si ay ula jaan-qaadi karaan habka maamulka casriga ah.

“Dhibaatadu waxay mar kastaba ka timaaddaa dhanka fulinta. Waa inaad hubisaan in wixii aad barateen loo fuliyo sida ay tahay” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay ka-qeybgalayaasha.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirku qeybiyay shahaadooyinkii loogu talo galay ka-soo-qeybgalayaasha isagoo balanqaadey in wasaaraddu xoogga saarto tababarada noocan oo kale ah

 

1 2

 

 

 

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment