774 Views

Gantaalkii Shiinaha ka fakaday oo ku dhacay meel u dhaw Badweynta Hindiya

Gantaalkii Shiinaha ka  fakaday oo ku dhacay meel u dhaw Badweynta Hindiya
____________________________________________________________________________

May 9, 2021

Maalmo kadib waxaa soo dhacay Gantaal Warbaahinta caalamka ay aad u hadal haysay oo ka baxsaday bishoo hore dalka Shiinaha.

Shiinaha ayaa xaqiijiyay in  gantaalkii fakaday oo dhulka laga sugaayay uu ku dhaco  uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya mee u dhaw jasiiradda Maldives.

Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasho waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°).

Sidoo kale Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b.

Warbaahinta Shiinaha waxaa kale oo ay sheegeen gantaalka uu hawada dhulka soo gaaray Axaddi saacadda dalkaasi Shiinaha markay ahayd 10:24.

Hay’adda Maamusho Hawada sare ee dalka Mareykanka bayaan ay soo saareen waxay ku sheegtay “Iney hubin u baahan tahay gantaalka Shiinaha ee Long March 5b inuu saameyn uu u geysanayo dhulka ama biyaha.”

Gantaalka dib u soo laabashadiisa inta aan la xaqiijin waxaa cabsi laga qabay inuu ku soo dhaco aag ay dad ku nool yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post